Q/M oo sheegtay in 2.5 Milyan Soomaali ah ay u baahanyihiin Gargaar Bini’aadanimo

Nairobi (Keydmedia) - Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in loo laaban yahay in la laba-jibaaro Gargaarka la siiyo dadka Soomaaliyeed si loo xoojiyo Dadaallada lagu baabi’inayo Raadadkii ay reebtay Macluushii dalka ku dhufatay Sanadkii hore.
Warar Keydmedia Online

Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee dhinaca Arrimaha  Bini’aadannimada Catherine Bragg ayaa ugu baaqday  Beesha Caalamka in la dhameys tiro Howlaha Gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed, iyadoo tilmaamtay in 2.5 Milyan oo Soomaali ah ay weli u baahan yihiin Kaalmo Deg Deg ah.

Mrs. Bragg ayaa qeexday in loo baahan yahay in xoogga la saaro sidii ay Soomaalidu noloshooda u maareysan lahaayeen, loona abuuro Mustaqbal wanaagsan oo ifaya si looga gaashaanto Abaar kale oo Mustaqbalka dhalato.

Ku-xigeenka ayaa muujisay in Hay’adaha Caalamiga iyo kuwa Maxalliga ah ay ka shaqeynayaan in la sii wado howlaha Gargaarka, iyagoo la shaqeynayo dowlado iyo Ururro ku howlan Gurmadka Soomaaliya.

Sanadkii hore ayaa abaarta Geeska Africa Kenya kaliya waxay ku dhufatay 3.8 Milyan oo qof, laakiin qiyaastii 22.-milyan oo qof ayaa ah kuwa wali u baahan Gargaar, sidoo kale 250, 000 oo qof ayaa ah kuwa loo baahan yahay in la caawiyo.

Mrs. Bragg ayaa sheegtay in ay Toddobaadkii hore ay timid magaalada Muqdisho, si ay u soo qiimeyso Xaaladda ka jirta dalka, waxay tiri “Bulshada ku dhaqan Magaalada waxay u baahan yihiin wax ay siiyaan Caruurta si Iskoolada ay u sii wataan.”

Keydmedia.net - Xafiiska, Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.