Qabyaalad Xoog leh oo ka socota Safaaradda Soomaaliya ee Dalka India - Warbixin

New Delhi (KON) - Ardayda Soomaaliyeed ee Waxkabarata Dalka Indiya ayaa ka cabaneysa Musuq Maasuqa iyo Qabyaaladda Waalida ah oo ay ku kaceyso Safiiradda Dowladda Soomaaliya uga Wakiilka ah Dalka Indiya Ebyan Maxamed Salah.
Warar Keydmedia Online

Ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Indiya ayaa qeylo dhaan ka muujiyay Safiiradda Dowladda Soomaaliya uga Wakiilka ah dalka India Ebyan Maxamed Salah, ayagoo ku eedeynaya in ay Safaaradda u badashay Guri Qabiil oo ay Jiiftaan qaar ka mid ah Qoyskeeda.

Waxeyna Safiiradda u weecisaa Warbixinada, deeqaha Waxbarashada, tababarada, casuumaadaha iyo wax waliba oo Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed loogu talagalay Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garowe.

Maxamed Nuur oo ka mid ah Ardayda Magaalada New Delhi ayaa nooga soo xog-waramay in 98% Ardayda Soomaaliyeed ee sida Lacag La’aanta ah wax uga barta dalka Indiya ay yihiin kuwa ku heyb Qabiil ah Ebyan Salah, ayna bahdil iyo sumcad liidata u horseeday Soomaalida ku nool dalkaasi.

Ebyan Salah oo Madaxweynihii hore ee Dowladda KMG Cabdullaahi Yuusuf u magacaabay danjiranimada Dalka India Sanadkii 2008-dii, ayaa lagu sheegaa inay tahay Haweeney aan damqasho Soomaalinimo ku jirin, waxa ayna si cad ugu dhaqantaa Qabyaalada, Laaluushka iyo Qabaa

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.