KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wuxuu xusay in Saxaafadda Soomaaliya ay qeyb muhiim u ah ka ciyaarto kobaca dimuqraadiyadda, ayna u baahan tahay inay shaqadeeda si xor ah u wadato, hanjabaad, caga-jugleyn iyo waxyeello la'aan.
MUQDISHO, Soomaaliya - Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, ayaa bogaadiyay doorka warbaahinta ku leedahay dib u dhiska iyo wargelinta bulshada Soomaaliyeed.
Swan ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la xaqiijiyo in ay si nabad ah oo xor ah ay Suxufiyiinta u gudan karaan shaqadooda warbaahineed, oo ay ka qabanayaan dalka kamid ah kuwa ugu khatarta badan Caalamka, oo wariye ka shaqeeya.
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in saxafiyiinta ay weli ku sugan yihiin khatar dhinacyo badan leh, ayna tahay in la dhowro xuquuqdooda iyo noloshooda.
Waa inay wariyeyaasha si xor ah u gutaan shaqadooda iyagoo aan cabsi iyo caga-juglayn.
Wuxuu xusay in Saxaafadda Soomaaliya ay qeyb muhiim u ah ka ciyaarto kobaca dimuqraadiyadda, ayna u baahan tahay inay shaqadeeda si xor ah u wadato, hanjabaad, caga-jugleyn iyo waxyeello la'aan.
Hadalka Swan ayaa jeediyay xili Muqdisho lagu xusay maalinta xoriyadda saxaafadda adduunka.
Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, hal wariye ayaa la dilay laba kalena waa la dhaawacay tan iyo bishii May ee sannadkii hore. Hay'adda caalamiga ah ayaa sheegtay in ilaa 64 wariye iyo shaqaale warbaahin la xiray, iyaga oo shaqadooda gudanaya.
Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Adduunka oo la xuso 3-da May ayaa ujeeddadeedu tahay in la xuso oo la difaaco mabaadi’da aasaasiga ah ee xorriyadda saxaafadda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.