Qaramada midoobay oo ka hadashay xaaladda dalka

Qaramada midoobay ayaa ka hadashay xaaladda cakiran ee uu galay dalka Soomaaliya, iyadoo xalay ilaa maanta la weeraray qaar kamida mas'uuliyiinta midowga musharaxiinta!

Warar Keydmedia Online
Qaramada midoobay oo ka hadashay xaaladda dalka

MUQDISHO, Soomaaliya - War qoraala oo kooban ayaa wuxuu kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobey uqaabilsan Soomaaliya, waxaana lagu baaqay in si deg deg ah loo joojiyo isku dhacyada ka socda Muqdisho ee saacaddihii lasoo dhaafay ka dib markii is horistaag lagu sameeyay shacabkii bannaanbaxa ka dhigi lahaa magaalada Muqdisho ee kasoo horjeeday dowladda uu hoggaamiyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday.

"Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhaca xalay iyo saakay oo jimco ah, waxa ayna ugu baaqeysaa deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ayna boorrineysaa in ay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa loogu baaqay madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada in ay isku yimaadaan "Waxa ay muujinayaan isku dhacyada ka dhacay caasimadda sida loogu baahan yahay in degdeg loogu qabto kulan ay isugu yimaadaan Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan hirgalinta qaabkii doorasho ee 17-kii Sebteembar" ayaa lagu yiri.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.