KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Qarax nuuca miinada la dhigo waddada dhinaceeda ayaa waxa uu ka dhacay waddada 21-ka Oktoobar ee isku xirta isgoysyada Tarabuunka iyo Lambar Afar ee magaalada Muqdisho.
MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax la dhigay waddada dhinaceeda ayaa goor dhaw ku qarxay waddada 21-ka Oktoobar gaar ahaan meel u dhaw halka loo yaqaan amdaxtooyada Cabdiqaasim iyo Iskuulka Hoyga Xamar.
Lama oga cidda lala beegsaday qaraxa oo daqiiqado kahor dhacay, sidoo kalena weli lama faahfaafin baaxadda iyo qasaaraha uu geystay Qaraxa, waxaana la xaqiijiyay in uu jiro qasaaro dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta uu ka dhacay Qaraxa. Ciidamo ka tirsan kuwa booliska ayaa gaaray halka uu qaraxu ka dhacay waxayna wadaan baaritaan. Ku xirnow KEYDMEDIA ONLINE si aad u hesho wararka kusoo kordha qaraxaasi iyo qasaaraha uu geystay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.