Qarax mar kale ka dhacay Muqdisho

Qarax loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Warar Keydmedia Online
Qarax mar kale ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxaan ayaa lala beegsaday gaari Qooqan ah oo marayay inta u dhaxeysa Beerta Jaadka iyo Isgooyska Ex-Koontarool Afgooye.

Sida dad goobta ka dhawaa sheegeen, waxaa qaraxa ku geeiyooday hal ruux, waxaana jira dhaawacyo soo gaaray dadkii saarnaa iyo kuwii ka ag dhawaa oo uu gaaray firirka Qaraxa.

Gaarigaan qaraxa lala beegsaday ayaa ka mid ah kuwa u adeega Turkida dhiseysa wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye oo hadda gabagabo mareysa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.