Qarax ka dhacay degmada Wanlaweyn

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay qaraxaan oo ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso, kaasoo ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. 

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax nooca Miinada ah ayaa goordhaweed ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah oo halkaas ku sugan.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Suuqa hoose ee degmada, waxaana ku dhintay ugu yaraan labo ruux oo shacab ahaa, halka tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Ilaa iyo hadda macadda cidda lala eegtay qaraxaan, sidoo kale majiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada oo ku aaddan dhacdadaan. 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.