KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Degaanka Buula Xaaji waxuu dhacaa galbeedka Kismaayo, oo qiyaastii ka xiga 15-KM, waxaana mudo ku sugnaa Kooxda Al-Shabaab.
KISMAAYO, Soomaaliya - Afar dhalinyaro ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarax miino, oo Maanta ka dhacay duleedka magaaladda Kismaayo, ee xarunta gobolka J/Hoose.
Qaraxa oo lala eegnayay kolonyo Ciidan ayaa haleeyay Gaari ay biyo ugu dhaaminayeen dhalinyarada Xoolo ay abaartu saameysay oo dhawaan soo degay tuuladda Buula-Xaaji.
Degaanka Buula Xaaji waxuu dhacaa galbeedka Kismaayo, oo qiyaastii ka xiga 15-KM, waxaana mudo ku sugnaa Kooxda Al-Shabaab oo Maamulka Axmed Madoobe isbaaro u dhigatay.
Ciidanka Jubaland iyo Danab ayaa la wareegay degaanka, kahor inta uusan dhicin qaraxa, iyadoo dadka ku nool ay sheegeen in markii dambe Al-Shabaab dib ugu soo laabatay.
Al-Shabaab ayaa loo maleynayaa inay qaraxa wadada ku aastay. Buula Xaaji waxay dhacdaa galbeedka Kismaayo, oo ka xigta 15-KM, waxaana mudo ku sugnaa Kooxda Al-Shabaab.
Jubbaland waxaa ka jirta abaar ba'an oo saameysay dad iyo xoolo, iyadoo Gedo ay tahay meesha ugu daran, oo gaajo iyo biyo la'aan loogu dhimanayo maalin walba.
Ma jirto gurmad dowladda ama Jubbaland gaarsiiyay meelaha abaarta ka jirto, sida ay sheegayaan Saraakiisha Gedo oo si isxol-qaan ah dadka hadda biyo ugu dhaamiya iyo gurmad.
Tan iyo markii Axmed Madoobe xoogga ku qabsadey Kismaayo 2012, Jubbaland ayaa noqotey meel kala qeybsan, oo dhibaato iyo colaad ka dhamaan la', islamarkaana horumar ka jirin.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.