Qarax ka dhacay Puntland iyo wararkii ugu dambeeyay

Qaraxyada ayaa ku badan Buuraha Galgala, ee gobolka Bari halkaasoo ay ku leeyihiin Al-Shabaab iyo Daacish saldhigyo ay ku tababartaan.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay Puntland iyo wararkii ugu dambeeyay

BOOSAASO, Soomaaliya - Qarax ka dhacay Buuraha Galgala, ee gobolka Bari ayaa lagu dilay shan askari oo katirsanaa Ciidamada Badda Maamulka Puntland ee loo yaqaano PMPF.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa ka dhacay aagga Sugare, halkaasoo lagula bartilmaameedsaday Kolonyo Ciidan oo kusoo jeeday Galgala, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha gobolka.

Wararka ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay ka badan tahay 5 askari, iyadoo dhaawacyada oo la geeyay Boosaaso, qaar kamid ah uu soo gaarey dhaawacyo culus, mana jirto cid ka hadashay.

Degaanka Galgala waxaa tan iyo 2010 isku horfadhiyay Al-Shabaab iyo Ciidamada Puntland, waxaana dagaalka labada dhinac lagu dilay askar badan oo qeyb ka ahaa PMPF, oo Imaaraadka uu tababarey.

Puntland ayaa wajahaysa khatar amni oo uga imaanaysa Al-Shabaab iyo Daacish, oo dilal iyo qaraxyo ka fuliya Boosaaso iyo meelo kale oo katirsan Maamulkan dhaca waqooyi bari ee dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.