Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Jowhar

Qarax khasaare nafeed gaystay, ayaa barqanimadii maanta ka dhacay degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Warar Keydmedia Online
Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Jowhar

JOWHAR, Soomaaliya- Qarax lagu soo xiray gaari Nooha ah, ayaa saakay ka dhacay agagaarka hotel Nuur Doob, ee magaalada Jowhar.

Qaraxan waxaa ku geeriyooday 2 qof, halka uu dhaawac ka soo gaaray 5 kale, oo dhamaantood ah dad rayid ah oo goobta ka agdhawaa.

Dadka dhaawacmay ayaa loola cararay isbitalka guud ee magaalada Jowhar, halkaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Goobta uu qaraxu ka dhacay, ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Hirshabelle, waxeyna sameeyeen howlgallo aan cidna lagu soo qaban.

Amni darrada ka jirta Hirshabelle ayaa ah mid baahehsa, welina maamulku ma hayo xal looga hortagayo weerarada ay argagixisadu ka geysanayaan Hirshabelle.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.