Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Matabaan

Kolonyo gadiid ah oo uu la socday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Cismaan Jeyte, ayaa qarax lagula eegtay meel u dhaw degmada Matabaan.

Warar Keydmedia Online
Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Matabaan

MATABAAN, Soomaaliya- Qarax noociisu yahay miinada dhulka lagu aaso ayaa deggaanka Qabno oo hoos-taga degmada Matabaan lagula eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka geeriyooday tiradooda lagu sheegay ilaa 4 qof, oo labo ka mid ah ay ahaayeen askarta dowlada.

Waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay, 3 ruux oo laba ka mid ah ay ahaayeen warfidiyeeno ka tirsanaa Tv-ga maamulka Hirshabelle.

Weriyayayaasha qaraxan ku dhaawacmay ayaa lagu kala magacaabaa, Khaalid Muxumed Cismaan (Ikacase ) iyo Cabdikariim Maxamed Siyaad, waxaana xaaladooda caafimaad iminka lagula tacaalayaa xarumaha caafimaadka ku yaalla gobolka Hiiraanka.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii ugu danbeeyey maamulka Hirshabelle uu waday howl gallo lagu baacsanayo Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.