Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Wado xiriirisa deggaanada Sabiid iyo Cabdow Dibile, oo hoostaga Afgooye, ayuu maanta ka dhacay qarax khasaare gaystay.

Warar Keydmedia Online
Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

AFGOOYE, Soomaaliya- Qarax khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac geystay, ayaa maanta ka dhacay wadada xiriirisa deggaanada Sabiid iyo Cabdow Dibile ee gobolka Shabeellaha hoose.

Qaraxan ayaa ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxaana lala eegtay, mooto Fekon, waday askari ka tirsan ciidamada dowlada.

Mootada qaraxa lala eegtay ayaa u kireysnayd askariga, waxaana ku waday darawalkii mootada, oo halkaasi ku geeriyooday, iyadoo uu dhaawacmay askariga.

Dhaawaca askari iyo meydka marxuumkii lahaa mootada qaraxa lala beegsaday, ayaa waxaa goobta ka qaaday ciidamo maqlay jugta qaraxa oo halkaasi ka agdhawaa.

Howl gallo in muddo ah qaatay ayey ciidamadu ka sameeyeen halka uu qaraxu ka dhacay, iyagoo saacado badan hakiyey isku socodka dadka iyo gaadiidka, mana jirto cid ay howl gallasaas ku soo qabteen.

Waxaa si joogto ah wadadan uga dhaca qaraxyo geysta khasaare kala duwan, waana arrin muujineysa fashilka xooggan ee heysta maamulka uu hoggaamiyo Lafta-gareen.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.