KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Qarax Miino oo khasaare gaystay ayaa barqanimadii maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
MUQDISHO,Soomaaliya- Qarax khasaare gaystay ayaa barqanimadii maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Qaraxan oo noociisu ahaa miinada dhulka lagu aaso, ayaa lagu bartilmaameedsaday, Guddoomiye ku-xigeenkii hore amniga degmada Afgooye Xuseen Jibriil, kaas oo marayey meel u dhaxeysa Suuqa Jaadka Afgooye iyo saldhiga degmadaasi.
Sida wararku sheegayaan qaraxan waxaa ku dhaawacmay, gudoomiyihii lala eegtay iyo nin dhallinyaro ah oo la socday, kuwaa oo iminka dhaawacooda loo soo qaaday Muqdisho.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa ay ku dhaawacmeen dad rayid ah, oo ku ganacsanayey hareeraha wadadii uu qaraxu ka dhacay.
Qaraxan maanta ka dhacay Afgooye ayaa ku soo beegmaya, xilli xalay saqdii dhexe la weeraray Saldhiga degmada Afgooye, iyadoo weerarkaasi ay masuuliyadiisa sheegteen Al Shabaab.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.