Qarax weyn oo ka dhacay Kismaayo

Qaraxa ayaa kusoo beegmaya xili shalay magaaladda ay ka billaabatay doorashadda Aqalka Sare.

Warar Keydmedia Online

KISMAAYO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa goordhaw ka dhacay magaaladda Kismaayo, ee xarunta Jubbada Hoose, kaasoo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Wasiir katirsan Jubbaland ayaa u xaqiijiyay qaraxa in lala eegtay gaari bus ah oo ay la socdeen ciyaartoyda Kooxda JCCI, waxaana ku dhintay 2 qof, iyadoo tiro badan ay ku dhaawacmeen.

Nooca qaraxa warar kala duwan ayaa kasoo baxay, iyadoo xogta hodhaca ah ay sheegayso inuu ahaa Is-miidaamin. KON ayaa isku dayaysa inay hesho macluumaad dhameystiran.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.