KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Qarax Miino oo sababay qasaare xooggan ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koofur galbeed.
BAYDHABO, Soomaaliya - Qarax xooggan aya dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo ee Xarunka ku meel gaarka ah ee Maamulka koofur-galbeed Soomaaliya , kaas oo sababbay qasaaro lixaad leh.
Sida ay Keydmedia Online, u xaqiijiyeen goobjoogayal ku sugan Magaalo Madaxda gobolka Bay, dhawaqa qaraxa ayaa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada, wuxuuna ka dhacay suuqa Bunbashar, oo ku yaalla Wadajir, oo ka mid ah xaafadaha uu caansan Baydhabo.
Qaraxa oo ahaa Miinada nuca dhulka lagu aaso, ayaa ka kacday meel u dhow guriga shaksi magaciisa lagu soo koobay Cali dheere.
Ilaa iyo hada Afar qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen, waxana dhaawacyada loo qaaday Cisbitaalka weyn ee magaaada Baydhabo si loola tacaalo xaaladdooda caafimaad.
Bishii la soo dhaafay ayay ahayd markii isla suuqaan uu ka dhacay qarax ceynkaan ah, kaas oo sababay dhaawaca shan dhalinyaro ah.
Laamaha ammaanka ee Maamulka KG ayaan wali ka hadlin qaraxaan.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.