KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Laba qarax oo is xiga ayaa laga maqlay magaalada Muqdisho, lama oga cidda lala beegsaday qaraxa balse warar kala duwan ayaa ka soo baxaya halka uu qaraxu ka dhacay.
MUQDISHO, Soomaaliya - Laba qarax oo is xig-xiga ayaa laga maqlay xaafadaha magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo warramayaa in agagaarka Lambar 4 uu ka dhacay qaraxa aad u xooggan kaasoo ay dareemeen dadka ku dhaqan dagmooyinka magaalda gobolka Benaadir.
Weerarka qaraxa ayaa sida la sheegayo wuxuu ka dhacay Hotel Afrik oo udhaw bar koontarool oo lagu baaro gawaarida aada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Dhawaqa rasaas la is dhaafsanayo ayaa laga maqlayaa halka ay wax ka dhaceen, waxaana jira weerar ay soo qaadeen kooxda Al-Shabaab kaasoo ka socda agagaarka Hotelka la bartilmaameedsaday.
Sarkiil Iyo Ciidamo maanta ilaalinayay amniga odayaasha hawiye oo ku shiray Hotel Afrik kuwaasoo ay kamid yihiin Taliye Xasan Jaamci iyo Taliye Laba Afle ayaa kujira Hotelka sida aan ku heleeno warar lagu kalsoonaan karo
Wixii faahfaahin ah ee kusoo kordha weerarkaas dib ayaan idinkala socodsiin doonaa.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.