Qarax ka dhacay Baydhabo

Baydhabo (KON) - Qarax Xalay ka dhacay Maqaayad ku taalla Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa sababay in ku dhawaan 4 Qof ey ku dhinteen, 13 kalenah dhaawac kasoo gaaray.
Warar Keydmedia Online

Qaraxyada oo ahaa nooca dhulka lagaliyo ayaa lala bartilmaameestay goob ay joogeen ciidamada dowladda.

Sargaal la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dadka weerarka ku dhaawacmay ay saddex ka tirsan yihiin askarta dowladda, ayna hadda baarayaan waxa dhaliyay qaraxa.

Ilaa hadda ma jirto koox sheegatay Qaraxaan.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.