KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Labo Dhalinyaro ayuu dhaawac kasoo gaaray Qaraxa, walina ma cada Sababta loo weeraray Goobtaan.
Dhalinyaro Bambooyin wata ayaa Xalay Weerartay Goobta, yadoo isla markiiba ay goobta ka baxsadeen.
Inkastoo aysan jirin cid sheegatay inay weerarkaas mas’uul ka tahay ayaa haddana waxay saraakiisha booliisha degmada ku eedeeyeen Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.
Dhalinyaro badan ayaa sheegay in Qaraxa ay geesteen Labo Wiil oo hada kahor laga Ceyriyay Goobta, waxaana la sheegay in Dhalinyaradaan ay marar badan sheegeen in ay Qarxin doonaan.
Ciidamada Dowladda ayaa Saakay degmada Jowhar ka bilaaway Howlgallo lagu raadinayo Kooxihii ka dambeeyay Weerarkaasi.
Baaritaanka ayaa wuxuu ka socdaa xaafadda Hanti-wadaag oo ahayd halkii uu xalay weerarka bambaano ka dhacay, waxaana tani ay cabsi weyn gelisay dhallinyarada degmadaas ee habeenkii caweeya.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.