Qarax ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama

Muqdisho (Keydmedia) - Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxday Qarax nuuca Bambka Gacanta oo Xalay ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama gaar ahaan agagaarka Hotel Ambashadoor.
Warar Keydmedia Online

Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacmay Haweeney uur leh oo xiligaas ku sugneed meeel aan ka fogeyn halka Qaraxu ka dhacay.

Guddoomiyaha Degmada Waaberi Axmed Meeyre Makaran oo Qaraxaas kadiib saxaafadda la hadlay ayaa sheegey in qaraxaasi laga tuuray Gaari halkaas marayay ujeedka laga lahaana ay ahayd oo keliya in lagu jabiyo baalaha.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in uu khasaare soo gaaray hal bale oo ka mid ah baalayaashii dhawaan halkaa laga taagay kaasoo uu sheegey inuu dhulka ku soo dhacay isla markaana ay wax gaareen.

Maamulka Gobolka banaadir ayaa dhawaan 50 Baallo ku xiray inta u dhaxaysa Hotel Ambashadoor illaa is Goyska Tiyaatarka halkaasoo iftiinka ka jira habeenkii uu yahay mid aan caadi ahayn dadkuna ay si aad ah ugu diirsadeen.

Keydmedia.net / Wadanka

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.