Qarax ka dhacay wadada warshadaha

Muqdisho(Keydmedia) Waxaa maanta barqadii gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada warshadaha qarax lagula beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Burundi.
Warar Keydmedia Online

Qaraxa ayaa ka dhacay meel ku dhaw kuliyadda Jaalesiyaad halkaasoo todobaadkii hore qarax kan la mid ah lagula beegsaday ciidamada Burundi ee ka tirsan Amisom oo taageerta dowladda KMG ah.

Wadada qaraxa uu ka dhacay oo ah tan kaliya ee ay adeegsadaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha Muqdisho iyo daafaheeda, waxaana qaraxa wadadaasi ka dhacay ku dhintay afar qof oo shacab ah kuwaasoo wadada marayay iyadoona seddex kale ay ku dhaawacmeen.

Kooxda Axmed Godane oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa waxa ay carrabka ku adkeeysay in qaraxa ay ku dileen afar ka mid ah ciidamada Burundi ee la qarxiyay.

www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.