Qarax Miino oo Ka Dhacay Kontaroolka Baar Ismaaciil Ee Afgooye

Afgooye (KON)- War deg deg ah oo hadda naga soo gaaray degmada Afgooye ee gobbolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in qarax miino oo sababay khasaare kala duwan uu daqiiqado ka hor ka dhacay isgoyska Baar Ismaaciil ee magaalada Afgooye.
Warar Keydmedia Online

Ilaa hadda inta la xaqiijiyay labo qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso oo ka dhacay bar kontarool oo ku taal Baar Ismaaciil ee Afgooye, lana oga ilaa iyo hadda cidda ka dambeysay qaraxaan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo qarax uu ka dhaco isgoyska Baar Ismaaciil ee degmada Afgooye.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.