KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Qaraxaan oo ahaa Bamka gacanta laga tuuro ayaa sida la sheegay lala eegtay baabuur Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen Ciidamada Raaskaambooni iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ee ka arrimiya magaalada Kismaayo.
Ilaa hadda inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay qof kalana waa uu ku dhaawacmay qaraxaasi, waxaana dadkaasi dhibaatada ay soo gaartay ay ahaayeen dad rayid ah oo xiligii qaraxa uu dhacayay marayay goobta uu qaraxa ka dhacay.
Qaraxa ka dib waxaa jirtay rasaas aad u tiro badan taasoo ay wada fureen Ciidamadii qaraxa lala eegtay waxaana jira dad ay dhaawacyo fud fudud kka soo gaareen rasaastaasi.
Sikastabada magaalada Kismaayo ayaa xalay ku waabariisatay xaalad cabsi iyo khal khal ah kadib markii sida la sheegay ay magaalada xalay soo galeen ragg ka tirsan kooxda Shabaab.
Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.