KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ruux hubeysan oo watay Bam iyo Qori AK47 ah ayaa waxa uu ka gubday dhawr barood oo ay ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom baaritaano xoogan ka fuliyaan isla markaana ay adagtahay in xitaa qof caadi ah uu ka gudbo
Ilo lagu kalsoonyahay ayaa u sheegay keydmedia in qaraxa uu ka dhacay laba albaab marka gudaha loo galo madaxtooyada meel ku dhaw guriga uu madaxtooyada ka daganyahay wasiirka arimaha gudaha Shiikh C/qaadir Cali Cumar.
Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada oo warbaahinta la hadlayna waxa uu sheegay in ciidamada ay ku toogteen ninka hubeesnaa afaafka hore ee Madaxtooyada isla markaana ay baarayaan cidda uu ahaa iyo sida ay ku suurta gashay arintan isagoona intaa ku daray inuu dhaawacay ninka laba askari.
Ninka hubeysan waxa uu ka gudbay Guriga R.wasaaraha oo ku yaala banaanka hore ee madaxtooyada iyo waliba goobo Ciidamada AMISOM ay baaritaan adag ku sameeyaan dadka gudaha u galaya xarunta Madaxtooyada.
Tani waxa ay muujineysaa habacsanaanta amaan ee heysata Dowlada iyo waliba sida ay dowlada ugu dhex jiraan dad gadgadoon badan oo dhinacya badan xiriir la leh kuwaasoo mar walba dhiiba warbixinada la xiriira fursadaha jiri kara iyo sida ay ku suurta gali karaan.
Wararka waxa ay sheegayaan in ruuxa la toogtay ee isu diyaarinayay inuu falka fuliyo hore uu uga tirsanaa ilaalada Wasiirka arimaha gudaha C/qaadir Cali cumar, waxaana suurta gal ah bay leeyihiin dadka qaarkood bartilmaameedka ugu weyn ee ninkaasi inuu ahaa wasiirkaasi
Kani waxa uu noqonayaa qaraxii seddexaad oo mudo bil ka yar gudaheeda ka dhaca meelaha ay dowlada ka faanto amaankooda, kol hore waxa uu qarax ka dhacay Hotelka Muna oo ku dhaw madaxtooyada, Waxaa xigay garoonka diyaarahada oo xiliga weerarka is qarxinta lagu qaaday ay ku shirsanaayeen Wafdi ka socda QM iyo Madxweyne shariif.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.