KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wararka Keydmedia Online soo gaaraya ayaa sheegaya in Qaraxaan lala eegtey gawaari ay saarnaayeen Wasiirka arimaha gudaha C/kariin Xuseen Gulled iyo wafdi ka socday wadanka Qatar.
Wali ma cada Khasaaraha ka dhashay Qaraxaan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in uu ahaa qarax ismiidaamijn ah. Waxaa jirey rasaas dhacday markii uu qaraxa dhacay.
UPDATE: Gaariga Wasiirka, wasiirku ma saarneyn xiliga uu weerarku dhacayay!
UPDATE 2: Ugu yaraan 6 Qof ayaa Geeriyooday qaraxaasi.
UPDATE 3: Sarkaal ka tirsan Ciidamada Nabad Sugidda oo la hadlay Keydmedia Online (KON) ayaa yiri: "Gaariga Wasiirka ee lala eegtay Qaraxa Xilliga qaraxa uu dhacayay ma saarneen Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka"
Wixii kusoo kordha Warkaan kala soco Keydmedia.net
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.