Qaraxyo ka dhacay Degmada Boosaaso

Fariisin ay ciidamada boolisku ku leeyihiin Boosaaso ayaa caawa lagu weeraray bumbooyin gacanta laga tuuro.

Warar Keydmedia Online
Qaraxyo ka dhacay Degmada Boosaaso

BOOSAASO, Soomaaliya – Sida ay Keydmedia Online ugu warrameen dadka degaanka, labo qarax ayaa caawa ka dhacay xarunta Gobolka Bari ee Boosaaso.

Qaraxyadaan oo nuucoodu ahaayeen bumbada gacanta laga tuuro ayaa lagu weerar goob ay fariisin ku leeyihiin ciidamada booliska, mana cadda qasaaraha ka dhashay.

Boosaaso, waxa ay todobaadyadii na-weydaartay wajaheysay xaalad amni oo adag, waxaana ku wada sugan ciidamo iska soo hor jeeda, kuwaas oo dhawaan dagallamay.

Dadaallo ay wadeen odayaasha dhaqanka Bari, oo lagu kala qaadayo labada ciidan oo kala taabacsan Siciid Dini iyo hoggaanka PSF, ayaan wali si buuxda u mira dhalin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.