Qasaara ka dhashay dagaaladii Baledweyne

Muqdisho(Keydmedia) Wararka laga helayo Magaalada Baledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhashay dagaalkii saakay.
Warar Keydmedia Online

Goobjoogayaasha deegaanka ayaa ku waramaya in dagaalka ay ku dhinteen toban ruux dad lagu qiyaasay isla markaana in ka badan toban kale ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka kooxda uu hogaamiyo Axmed Aw-cabdi Godane ninka lagu magacaabo C/casiis ayaa sheegay in dagaalka ay guulo ka gaareen isla markaana ay dhibaato gaarsiiyeen ciidamada Dowlada isla markaana ay kala wareegeen gawaari dagaal.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda, waxaana ila madax banaan oo deegaanka ku sugan ay ku warameen in wali saan saan colaadeed la dareemayo.

www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.