Qasaaraha ka dhashay Dagaal ka dhacay Mudug oo kordhay

GALKACYO(KEYDMEDIA) Waxaa isa soo taraya qasaaraha ka dhashay dagaal shalay ka dhacay deegaan 113Km dhanka Koonfureed ka xiga magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.
Warar Keydmedia Online

Suxufiyiinta deegaanka ku sugan ayaa waxa ay u xaqiijiyeen keydmedia in dagaalkaasi ay ku geeriyoodeen 11 Ruux tiro intaas ka badana ay dhaawac xoog leh ka soo gaareen.

Dadka dhintay ayaa la tilmaamay in ay ku jireen xoolo dhaqato Soomaaliyeed, waxaana shaqaaqada ay u dhaxeysaaa maleeshiyo deegaameed ka soo kala jeeda dhinacyada Galmudug iyo Ximin iyo xeeb.

Dhinacyadan dagaalamay ayaa hore isku fara saaray deegaano ay ka mid yihiin Galinsoor waxaana maamulada labada deegaan ay ku howlan yihiin sidii xal loo heli lahaa.

WWW.KEYDMEDIA.NET

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.