Qoorqoor waa Shabaab Kalkaal

QAYLO-DHAAN: Qoorqoor Galmudug ha laga qabto

Qoorqoor oo hore u fashiliyay howlgalladii sanadkii hore Mudug ayaa hadda mar kale fashiliyay gulufkii dagaal ee ku wajahnaa koofurta iyo bariga gobolka Galgaduud, wuxuuna doonayaa in inta waqtigiisa ka dhiman uusan wax dagaal ah ku qaadin Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
QAYLO-DHAAN: Qoorqoor Galmudug ha laga qabto

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya – Labadii bishii Feberaayo sanadkii 2020, ayaa Qoorqoor loo doortay Madaxweynaha Galmudug, kadib doorasho, jajuub ahayd oo ka dhacday Dhuusamareeb, taasoo ay geed fadhi u ahaayeen, Farmaajo, Kheyre iyo Fahad Yaasiin.

Tan iyo xilligaas Qoorqoor waxuu ka shaqeynayay dibin daabyada Galmudug, waxaa lagu xasuustaa dadaalkii uu ku bixiyay doorashadii 15 May in mar kale Farmaajo dib loo doorto, isagoo hormuud u ahaa Madaxweynayaal maqaar-saar ahaa oo Fahad kuraas siiyay.

Qoorqoor, wuxuu qeyb ka noqday hoggaanna u ahaa maamulladii uu Farmaajo u adeegsanayay muddo kordhintii fashilantay iyo xiisadahii siyaasadeed, wuxuuna muddo dheer si gooni ah Farmaajo awgiis u dhibaateynayay dadka ka soo jeeda beelaha Hawiye.

Qoorqoor, wuxuu si laga xishoodo u boobay kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, wuxuuna tartanka kuraasta u xiray shaqsiyaad Farmaajo qoray, halka uu daraka siyaasadda ka fogeyay siyaasiyiinta bulshada degaanka ee dadka si muuqata u soo matalay.

Tan iyo markii Qoorqoor galay xaafiiska Madaxweynaha Galmudug, Al-Shabaab ayaa kala gooyay isku socoka magaalooyin muhiim ah oo dhaca Galmudug, waxa ay la wareegeen degaanno aysan waligood ka arrimin waxayna bililiqetsteen gaadiid uu maamulku lahaa.

Marka laga soo tago saanaddii Ciidan ee Qoorqoor uu Al-Shabaab sanadkii hore ku siiyay Camaara, mar kale Qoorqoor wuxuu hubkii iyo gawaaridii ugu badnaa sabtigii u gacan galiyay Al-Shabaab, kadib dayacaad uu isagu masuul ka ahaa oo ka dhacday Qaayib.

Sida ay ogaatay KON, odayaal ku heyb ah Qoorqoor oo ku baxay ogaal-kiisa ayaa hadda ku sugan Xarardheere iyo Camaara oo Al-Shabaab maamulaan, odayaashaan ayaa la sheegay in ay Al-Shabaab kala hadlayaan sii deynta dad ka soo jeeda beesha Saleebeen.

Qoorqoor oo hore u fashiliyay howlgalladii sanadkii hore Mudug ayaa hadda mar kale fashiliyay gulufkii dagaal ee ku wajahnaa koofurta iyo bariga gobolka Galgaduud, wuxuuna doonayaa in inta waqtigiisa ka dhiman uusan wax dagaal ah ku qaadin Al-Shabaab.

Qoorqoor wuxuu bilihii la soo dhaafay dadaal xooggan galiyay kicin iyo iska hor keenka beelaha, si uu u abuuro kala shaki iyo in aan loo midoobin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaaab, waa sida ay qabaan saraakiil sar sare oo ka soo jeeda degaannada Galmdug.

Ka hor inta aan loo jiheysan xoreynta degaannada Galmuudg ee ku jira gacanta Al-Shabaab waa in siyaasiyiinta, wax-garadka, dhallinyarada iyo guud ahaan bulshada Galmudug ay diiradda saaraan sidii meesha looga saari lahaa Qoorqoor oo Al-Shabaabka garab u ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh waa in uu maanka ku hayo in Qoorqoor ku daaban yahay Farmaajo oo aan waligiis dagaal ku qaadin Al-Shabaab iyo Fahad oo argagaxiso ah, kuwaas oo dadaalka ugu badan ku bixinaya in uu fashilmo dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

KEYDMEIDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.