KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Waxaa xalay magaalada Muqdisho laga soo dajiyay dadkii dhaawacyadu kasoo gaareen dagaalkii shalay ka dhacay degmada Baled-Xaawo ee gobolka Gedo.
MUQDISHI, Soomaaliya - Ku dhawaad 20 ruux oo qaba dhaaeacyo kala duwan ayaa la dhigay isbitaalada magaalada Muqdisho halkaas oo lagula tacaalayo xaaladdooda caafimaad.
Dhaawacyadaan oo diyaarad dowladdu u dirtay lagu keenay Muqdisho, ayaa isugu jira dad shacab ah iyo askartii markii hore dowladdu xamar ka daabushay ee kusoo dhaawacmay dagaalkii shalay.
Qasaara xooggan ayaa ka dhashay dalkaas degmada Baled-Xaawo ee gobolka Gedo, ku dhex maray Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland shalay, waxaana ku geeriyooday ku dhawaad 20 ruux oo shacab iyo askar isugu jirta.
Xaaladda Baled-Xaawo ayaa saaka dagan in kasta oo dadka deegaanku ay wali qabaan cabsi weyn maadaama ciidamada Jubbaland ay kaabiga ku hayaan magaalada.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.