Qeybdiid oo Eedeeyey Dowladda FS

Gaalkacyo (KON) - Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale ”Qeybdiid” ayaa Dowladda FS eedeeyn u jeediyey, waxaana uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka Fiirsanayaan la shaqeynteeda.
Warar Keydmedia Online
Qeybdiid oo Eedeeyey Dowladda FS

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in ay Burburin ku hayso Maamulka Galmudug islamarkaana ay Dowladdu sheegtay in Degmada Hobyo ay ka mitahay Goobaha laga Xoreenayo Al-shabaab.

Cabdi Xasan Cawaale ayaa intaa ku daray in hadalkaa uu yahay mid Aflagaado ku ah  iyo Dadka Reer Galmudug intaba.

“Magaalada Hobyo waligood Al-shabaab Cag masoo dhigin, mana tagi karaan Hobyo Al-shabaab, Dowladda waxey Dooneysaa in Reer Galmudug ay Jahwareer ku rido” Ayuu yiri Qeybdiid.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale ayaa sheegay in Maamulka Galmudug oo Saaxiib dhaw la ahaa Dowladda Soomaaliya ay ka Fiirsan doonaan la shaqeeynta Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya wali kama hadlin Eedeenta uga timid Maamulka Galmudug oo Xariirkooda uu hore u wanaagsanaa.

Keydmedia Online – Xafiiska Gaalkacyo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.