QIDDAD CUSUB: Al-Shabaab oo qorshe hor leh soo kordhisay

Ciidanka Kenya waxay qeyb ka yihiin in ka badan 20,000 oo askari oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo dowladda federaalka ah ka caawiya la dagaalanka kooxaha hubeysan ee ay ugu horreyso Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qacida.

Warar Keydmedia Online
QIDDAD CUSUB: Al-Shabaab oo qorshe hor leh soo kordhisay

KISMAAYO, Soomaaliya - Nin hubeysan oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa gudaha u galay xero ciidan oo ku taal Soomaaliya, halkaasoo uu ku dilay ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Kenya, sida ay sheegeen milateriga Kenya.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in ninka dilka geystay uu sidoo kale dhaawacay shan askari oo kale oo Kenyaan ah ka hor inta aan la toogan, dhacdadaan ayaana ka dhigan qiddad cusub oo Al-Shabaab ku soo kordhyeen dagaalka.

Weerarka oo dhacay subaxnimadii Isniinta ayaa ka dhacay Saldhigga degaanka Sariira oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya una dhow xuduudka dalka Kenya, Kooxda Al-Shabaab ayaana sheegatay masuuliyadda weerarka.

Waa weerarkii labaad oo laba maalin oo isku xiga ay dagaallamayaasha Al-Shabaab ku qaadaan xarumaha ciidanka Kenya,  Al-Shabaab ayaa sidoo kale Axaddii weerartay saldhig boolis oo ku yaalla magaalada Mandheera kahor inta aan la iska cabin.

Mas’uuliyiinta laamaha ammaanka Kenya ayaa sidoo kale ku baaqaya in la muujiyo digtoonaan dheeri ah inta lagu guda jiro cayaaraha kubadda cagta ee  Koobka Adduunka, iyo guud ahaan inta lagu guda jiro dabaal-dagyada dhammaadka sanadka.

2010-kii, ugu yaraan 76 qof ayaa la dilay kaddib markii Al-Shabaab ay weerareen naadi Rugby-ga ciyaarta iyo maqaayad ku taalla caasimadda Uganda ee Kampala, halkaasoo lagu daawanayay ciyaartii kama-dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka.

Ciidanka Kenya waxay qeyb ka yihiin in ka badan 20,000 oo askari oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo dowladda federaalka ah ka caawiya la dagaalanka kooxaha hubeysan ee ay ugu horreyso Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qacida.

Kenya ayaa ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya sannadkii 2011-kii kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay afduubteen laba dalxiisayaal ah iyo shaqaale u shaqeynayay MSF. 2012 ayay Ciidanka Kenya si rasmi ah ugu biireen howlgalka Midowga Afrika.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.