QM oo war ka soo saartay dhibaatooyinkii ka dhashay roobabka Soomaaliya

Qoraal ka soo baxay xafiiska ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 191,800 qof oo ku nool gudaha Soomaaliya ay saameeyn xooggan ka soo gaartay daadadka ka dhashay Roobabkii da'ay tan iyo Bishii May ee sanadkaan, kuwaas oo qaarkood ka barakay deegaannadii ay ku noolaayeen. 

Warar Keydmedia Online
QM oo war ka soo saartay dhibaatooyinkii ka dhashay roobabka Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bani’aadannimada ee (OCHA) ayaa war kasoo saaray dhibaatooyinka ka dhashay roobabka iyo fataahadaaha ku dhuftay meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 191,800 qof oo ku nool gudaha Soomaaliya ay saameeyn xooggan ka soo gaartay daadadka ka dhashay Roobabkii da'ay tan iyo Bishii May ee sanadkaan, kuwaasoo qaarkood ka barakay deegaannadii ay ku noolaayeen.

Meelaha ugu badan ee laga barakacay ayay OCHA ku sheegtay in ay yihiin deegaanno hoos taga maamulada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ee Koonfurta Soomaliya. 

“Meelo badan oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, roobabka Xagaaga ee socda ayaa ka culus kuwii hore, iyagoo wata dabeylo xoog leh , islamarkaana uu heerkul hooseyo,"  OCHA ayaa sidaasi ku sheegtay warbixinteedii ugu dambeysay.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in ku dhawaad ​​147,579 hektar oo dhul beereed ah ilaa 100 tuulo oo ka kala tirsan degmooyinka Balcad, Jowhar iyo Mahadaay ay biyaha daadadka roobka la tageen, islamarkaana ay khaaaareen dalagyo badan.

Ugu dambeyntii, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in todobaadyada soo socdo laga cabsi qabo in ay markale da'aan roobab dabeylo wato, kuwaas oo sababi kara inuu buuxdhaafiyo Webiga kadibna markale fatahaad sameeyo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.