KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ragg bastoolado ku hubeysan oo la sheegay inay wajiyada soo duubteen ayaa toogtay qofkaan rayidka ah xili uu ku hadlaayay taleefoonka gacanta.
Qofka la dilay ayaa xiligii uu taleefoonka ku hadlaayay qof kale oo eheladiisa ah isagoo u sheegayay in magaaladu ay cidlo tahay islamarkaasna Maamulkii hore uu magaalada baneeyay, Ciidamada cusubna aysan wali soo gaarin.
Kooxaha dilka geystay ayaa durbadiiba baxsaday, waxaana tani la sheegayaa inay tahay fariin uu Maamulkii hore ee Shabaab uu u diraayo dadka magaalada.
Waxaa sidoo kale magaalada ka socda boob iyo bililiqo xooggan oo lagu haayo xarumihii Shabaab ee magaalada Kismaayo, dad careysa ayaa bur burinaya fariisimihii ay Shabaab ku lahaayeen magaalada iyagoo qaadanaya wixii yaala.
Keydmedia kala soco wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Kismaayo
Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.