Qoondada siyaasadda haweenka oo walaac laga muujinayo

Mugdi badan ayaa xilligan hareeyey, qoondada siyaasadda haweenka Soomaaliyeed ee boqolkiiba 30-ka ah, waxaana wal walk ugu badan muujinaya, qeybaha kala duwan ee ururada haweenka.

Warar Keydmedia Online
Qoondada siyaasadda haweenka oo walaac laga muujinayo

MUQDISHO, Soomaaliya- Haweenka Soomaaliyeed ayaa waqtigan walaac ba'an ka muujinaya, helitaanka saamigooda siyaasadeed ee boqolkiiba 30-ka ah, kaas oo ay ka waayeen dowladihii dalka soo maray.

Haweenka ayaa sheegaya, in qoondadooda siyaasadda, aan si aad ah loogu gorfeyn shirkii ugu danbeeyey ee ay yeesheen gollaha wadatashiga, waxeyna xuseen in arrintaasi ay ka dhalan karto, in ay waayaan saamigii loo qorsheeyey in ay siyaasadda dalka ku yeeshaan.

Guddi ay haweenka iska soo xuleen, oo warbaahinta la hadlay, ayaa tibaaxay in ay ku guuldareysteen haweenka, la kulanka madaxda dowlad goboleedyada, kuwaa oo ay ku eeddeeyeen in ay ka caga jiideen kulamadii ay ka dalbadeen.

Waxey ugu digeen maamullada dalka, iyo dhinacyada siyaasadda, in la boobo kuraasta gabdhaha loo qoondeeyey, iyagoo xusay in aysan ka hareynin maamulkii miiska soo saari waaya, mataalada siyaasadeed ee haweenka.

Beesha caalamka ayey ka codsadeen, in ay indhaha ku heyso, sida loo maamulayo kuraasta ay leeyihiin hablaha, iyagoo cod dheer ku sheegay, in doorashada kuraastooda loo qabto hannaan caddaalad ah, oo aan loogu kala eexaneynin haweenka tartamaya.

Dumarka Soomaaliyeed ayaa hardan iyo dadaal dheer u galay, sidii ay matalaad siyaasadeed ugu yeelan lahaayeen siyaasadda dalka, waxaana inkastoo aan la fulin, loo qoondeeyey in ay yeeshaan saami ah boqolkiiba 30, waana kuwo sanadkan u muuqda suura galinta helida qoondadooda, iyagoo taageerada ugu weyn ka helaya beesha caalamka.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.