Qoor-qoor oo billaabay qorshihii uu ku boobi lahaa doorashada

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, ayaa durba billaabay qorshihii fududeyn lahaa, in la boobo doorashada aqalka hoose ee ka dhaceysa Galmudug.

Warar Keydmedia Online
Qoor-qoor oo billaabay qorshihii uu ku boobi lahaa doorashada

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya- Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa billaabay, qorshihii uu doorashada ugu boobi lahaa Farmaajo, waxaana caqabad culus uu hor dhigay musharaxiinta kuraas doonka ah, ee dhawaan gaaraya Dhuusamareeb.

Wuxuu shalay maamulku ku soo rogay dadka kuraasta u doonanaya Galmudug, in ay soo sheegaan ka hor inta aysan halkaasi tagin, waana qorshe la doonayo in Galmudug looga hor istaago musharaxiinta Farmaajo ka fikirka duwan.

Qoor- qoor ayaa hadalkan u soo dhiibay, Gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda magaalada Dhuusamareeb Cabdi Xaashi, kaas oo sheegay in arrintaasi ay caawineyso amniga magaalada, isagoo xusay in ay guryo u kireyn doonaan musharaxiinta kuraas doonka ah, kadib marka ay maamulka la soo xiriiraan, taas oo ah shaqo aan maamulka u oollin, isla markaana aan ku qorneyn heshiiskii doorashada ee la gaaray.

Durba siyaasiyiin kuraasta u doonanaya Galmudug ayaa tallaabadan ka cabanaya, waxaana ay is weydiiyeen in maamulku uu isku baddelay dalaal guryaha kireeya iyo in kale, waxeyse qorshaha Qoor-qoor ku macneeyeen mid uu damacsan yahay inuu ku boobo kuraasta aqalka hoose ee taalla Galmudug.

Qoor qoor, oo ah hoggaan ku fashilmay isku heynta shacabka Galmudug, ayaa weli u muuqda nin u nugul awaamiirta kooxda waqtigoodu dhamaaday ee ku sugan Villa Soomaaliya, waxaana xusid mudan in isaga iyo Lafta-gareen, ay diideen in amniga dalka lagu wareejiyo RW Rooble.

Kadib markii uu maamulku shaaciyey, qabashada in ka badan 20 kursi oo aqalka hoose ah, waxaa kordhay caddaadiska Qoor-qoor uga imanaya Farmaajo iyo Fahad, kuwaa oo aan ku qanci doonin, in ay dhuusamareeb ka soo baxaan, xildhibaanno ka soo horjeeda fikirkooda keli talisnimada ah.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.