Qoor-Qoor oo gaarey Muqdisho xili xiisad jirto

Horey waxaa Muqdisho u gaarey Guudlaawe iyo Lafta-Gareen oo kamid ah Maamullada uu dhisay Fahad Yaasiin.

Warar Keydmedia Online
Qoor-Qoor oo gaarey Muqdisho xili xiisad jirto

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-Qoor] ayaa galabta soo gaarey magaaladda Muqdisho oo shalay iyo Habeenkii Khamiista uu dagaal ka dhacay.

Xildhibaano iyo Mas'uuliyiin kale ayaa Garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay Qoor-Qoor, iyadoo loo galbiyay hotel uu ka degay Magaaladda oo horey ugu sugnaayeen Madaxda Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle.

Saddexda Madaxweyne ee uu Fahad Yaasiin dhisay ayaa Caasimadda iska xaadiriyay, iyagoo loogu yeeray shir la filayo inuu Farmaajo qabto, kaasoo Jubbaland iyo Puntland ay diideen inay ka qeybgalaan.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa sheegay in Muqdisho amnigeeda aan la isku halleyn karin hadda, islamarkaana dagaallo ka dhacayaan, iyagoo horey u dalbaday in xarunta Xalane lagu qabto kulanka.

Kulanka waxaa la filayay inuu furmo 18-ka bishan, laakiin dib u dhac ayaa ku yimid kadib markii madasha la isku khilaafay. Farmaajo ayaa doonayay Garoowe halka Deni iyo Axmed Madoobe ay soo jeediyeen in Muqdisho lagu qabto.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.