Qoor-Qoor oo u adeegsanaya Saxaafadda magac dilka Rooble

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhaqaale badan Warbaahinta ku siinaya, in la magac dilo Ra'iisul Wasaaraha dalka, isla markaana Farmaajo dadka loo tuso Wadani dalka u turaya. 

Warar Keydmedia Online
Qoor-Qoor oo u adeegsanaya Saxaafadda magac dilka Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Sida ay KEYDMEDIA ka soo xiganay ilo lagu kalsoonaan karo, Axmed Cabdi kaariye Qoor-qoor, hoggaanka fashilmay ee Galmudug, ayaa xilligan dhaqaale aad u fara badan ku bixinaya in la sumcad dillo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qorshahan oo ah mid Qoor-Qoor uu u soo dhiibay Farmaajo, ayaa yimid kadib markii uu RW Rooble ka diiday Qoor-Qoor, xalka uu raadinayo ee ku aaddan, in la dhameeyo khilaafka Farmaajo Iyo Rooble.

Sidii caadada ahayd, Farmaajo ayaa adeegsanaya Qoor-Qoor, si uu u sii wato boobka doorashadda ee uu ka hor istaagay Rooble, waxaana in xiisada la qaboojiyo uu u wakiishay Qoor-qoor, kaa oo durba Farmaajo u sheegay inuu fashilmay qorshihii xalka lagu doonayey, ee danta gaarka ah laga lahaa.

Hadafkooda labaad ayaa noqday in la magac dillo Ra'iisul wasaaraha, dadkana loo tuso nin ka biyo diiddsan nabadeynta la wado, oo reer ahaan ula safan midawga musharaxiinta.

Ilaa iyo hadda Warbaahinta dhaqaalahaas la siiyey ee Keydmedia ogaatay, waxaa ka mid ah Taleefashinka Somali Cable, kuwaa oo lacag dhan 30-kun oo dollar ku qaatay sumcad dilka Rooble iyo sare u qaadida meeqaamka Farmaajo iyo Qoor-Qoor, iyagoo dadka u tusaya, wadaniyiin u turaya marlaxadda uu dalku ku jiro.

Rooble ayaa go'aan rasmi ah ka qaatay, waan waanta uu wado Qoor-Qoor, mana oggola inuu caddaadiska ka dabciyo Farmaajo, taas oo haddii ay dhacdo keeneysa inuu gor gortan ka galo masuuliyadiisa dastuuriga ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.