Qoorqoor iyo Xildhibaanno xal raadin u tagaya Baydhabo

Dadka qaar ayaa rumeysan in u jeedka Laftagaren u diiday, in  xildhibaannada maamulkaas, ka qeyb qaataan shahaado qaadashada, aysan kaliya ahayn Saddexda kursi ee lagu celiyay KGS, hayeeshee, uu u doodayo kursiga Fahad laga diiday iyo kuraasta taalla Garabahaarrey.

Warar Keydmedia Online
Qoorqoor iyo Xildhibaanno xal raadin u tagaya Baydhabo

BAYDHABO, Soomaaliya – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareb ee xarunta maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in ay maanta halkaas gaareen Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka 11-aad ee JFS, si ay qeyb uga noqdaan wafi uu hoggaaminayo Axmed Cabdi Kaariye, [Qoorqoor] oo ku wajahan Baydhabo.

Sida ay Keydmedia Online, u sheegeen, howl-wadeenno ka tirsan xaafiiska Madaxweynaha Galmudug, waftiga oo u badan Xildhibaanno mucaarad ah, ayaa daqiiqado kadib ka duuli doona Dhuusamareeb, si ay afurka ka hor u gaaraan xarunta gobolka Bay ee Baydhabo.

U jeedka waftigaan, ayaa ah, xal u raadinta tabashada uu Madaxweynaha Koofur galbeed, ka muujiyay go’aanka Guddiga FEIT, ku diiday inuu aqoonsado doorashada saddex kursi oo laga soo doortay maamulkaas iyo cabasho siyaasi ah oo uu ka qabo Ra’iisul Wasaaraha.

Dadka qaar ayaa rumeysan in u jeedka Laftagaren u diiday, in  xildhibaannada maamulkaas, ka qeyb qaataan shahaado qaadashada, aysan kaliya ahayn Saddexda kursi ee lagu celiyay KGS, hayeeshee, uu u doodayo kursiga Fahad laga diiday iyo kuwa yaalla Gedo.

Madaxweynaha Koofur galbeed, ayaa dhawaan sheegay in maamulkiisa lagula kacay faquuq siyaasi ah, isagoo caro badan ka muuqato, ayuuna jeediyay hadallo aan maqaam madaxweyne munaasib ku ahayn, wuxuuna u gafay Wasiirro heer Federaal ah.

Sida ku cad jadwalka doorashada ee FEIT soo saartay, shan maalin kadib ayaa loo ballansan yahay in la dhaariyo xildhibaannada Baarlamaaka, wuxuuna wafiga hadda Baydhabo aaddaya ka shaqeynayaan sidi ay dhaarta uga qeyb qaadan lahaayeen xildhibaannada KGS.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.