Qoorqoor ma fa’iiday mise waa khasaaray?

Fiqi, Bukhaari iyo Xasan Macallin, waa saddexda shaqsi ee waqtiga ugu badan galiyay dib u soo laabashada Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ay hore uga wada tirsanaayeen Daljir, waxa ay ahaayeen kooxdii Farmaajo ka caawisay guushii 2017, hayeeshee abaal-gud kama helin.

Warar Keydmedia Online
Qoorqoor ma fa’iiday mise waa khasaaray?

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayuu mar kale waagu ku baryay, kadib markii shaqsiyaadkii labeenta siyaasadeed ee reer Galmudug ahaa ee uu ka hor istaagay in ay u tartamaan kuraas Baarlamaan ay ka mid noqdeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ee shalay lagu dhawaaqay.

Qoorqoor isaga oo u adeegaya Kooxdii hoggaanka u heysay Dowladdii hore ee Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ugu horreeyeen ayuu isbaaro u dhigtay shaqsiyaad matalaaddodu ay muhiim u ahayd reer Galmudug, iyadoo u jeeddadu tahay in xubnahaas laga fogeeyo darka Siyaasadda, maadaamada Farmaajo u arkayay in ay kursigiisa khatar ku yihiin.

Shaqsiyaadka uu Qoorqoor is hor istaagga ku sameeyay waxaa ka mid ah, Goddoomiye ku xigeynkii hore ee Aqalka sare, Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari), Guddoomiyihii hore ee Xisbiga Daljir Xasan Macallin Maxamuud ( Shiikhaali) iyo Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi, kuwaas oo hadda lagu tilmaamo milkiilayasha Dowladda.

Dhamaan xubnahaan waxa ay ka tirsanaayeen Baarlamaankii 10-aad, shantii sano iyo dheeraadkii uu Farmaajo xilka hayay waxa ay u taagnaayeen dheelitirka Dowladda, Bukhaari wuxuu ul-haye u ahaa go’aanada Aqalka sare, halka Shiikhaali iyo Fiqi saameyn xooggan ku lahaayeen xarunta Golaha Shacabka oo xilligaas ahaa (Gole Sacbac).

Qoorqoor oo ahaa ul Farmaajo iyo Fahad ay dadkiisa u adeegsanayeen, waxuu hor istaagi waayay shaqsiyaad ay ka mid yihiin, Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdiraxmaan Odawaa, Maxamed Abuukar Jacfar iyo kuwo kale, hadda raggii uu isku hor gooyay ayaa ku biiray hoggaanka dalka, xilli ay sanad iyo lix bilood u dhiman tahay isaga.

Qoorqoor oo aan Farmaajo la’aantiis darka siyaasadeed cagta saareen, ayaa la colleytamay shaqsiyaadka ay isku dhariga siyaasadeed yihiin, yeelkeede, marka la eego curfiga siyaasadeed ee Soomaaliya oo galinba ceyn ah, Qoorqoor wuxuu waqtiga xilkiisa ka dhiman gacan ku gambad ka ahaan doonaa Axmed Macallin Fiqi iyo Abshir Bukhaari.

Fiqi, Bukhaari iyo Xasan Macallin, waa saddexda shaqsi ee waqtiga ugu badan galiyay dib u soo laabashada Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ay hore uga wada tirsanaayeen Daljir, waxa ay ahaayeen kooxdii Farmaajo ka caawisay guushii 2017, hayeeshee abaal-gud kama helin, taas baddelkeeda Xasan Sheekh ayaa si weyn u sharfay kaalintoodina maamuusay.

Axmed Qoorqoor abaal siyaasadeed uma ergana, kooxdii uu ula dagaallamay sabab la xariirta in ay Farmaajo mucaarad ku ahaayeen ayaa maanta talada haya, waliba sida la saadaalinayo kooxdaas dhexdeeda ayuu ka imaan doonaa Madaxweynaha xiga ee Galmudug oo isaga loo boobay labo sano iyo lix bil ka hor.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.