Qoorqoor oo gaaray degaannada Cada-kibir iyo Ardo

Qoorqoor oo la hadlay dadka degaankaas wuxuu sheegay in loo diyaar garoobo sidii la isaga kicin lahaa Kooxda Al-Shabaab, looguna tagi lahaa degaannada ay gacanta ku hayaan ee looga badbaado in ay qasaaro intaan ka sii xooggan geystaan.

Warar Keydmedia Online
Qoorqoor oo gaaray degaannada Cada-kibir iyo Ardo

CADAADO, Soomaaliya - Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gaaray qaar ka mid ah degaannada gobolka Galgaduud ee maalmihii la soo dhaafay dhibatada xooggan kala kulmayay Kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Qoorqoor oo lagu eedeeyo wax qabad la’aan iyo inuu ku fashilmay howlihii maamul ee loo igmaday ayaa tagay degaannada Cada-kibir iyo Ardo, kadib markii faraca Al-Qaacida ee bariga Afrika Al-Shabaab ay burburiyeen ilihii nolosha ee degannadaas.

Tagitaanka Qoorqoor ee degaannadaas ayaa kusoo beegmay xilli dadka tuulooyinka ku nool iskood isku hubeeyeen una diyaar garoobeen in ay naftooda iyo maalkooda ka difaacaan Al-Shabaab, kadib markii ay jareen isgaarsiinta iyo biyaha.

Qoorqoor oo la hadlay dadka degaankaas wuxuu sheegay in loo diyaar garoobo sidii la isaga kicin lahaa Kooxda Al-Shabaab, looguna tagi lahaa degaannada ay gacanta ku hayaan si looga badbaado in ay qasaaro intaan ka sii xooggan geystaan.

Qoorqoor wuxuu ku ammaanay shacabka iyo culimada degaanka Cada-kibir sida ay ugu diyaar garoobeen inay is difaacaan isagoo xusay in dowladda Galmudug ay had iyo goor garab taagantahay shacabka u heellan inay iska dulqaadaan Al-Shabaab.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa billowday dhaqamo arxandarro ah oo ka dhan ah dadka tuulooyinka ku dhaqan, waxayna degaanno badan ka jareen isgaarsiinta iyo biyaha, taasoo abuurtay abaabulka gufuf xooggan oo ka dhan ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.