KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Francisco Madeira.
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Francisco Madeira.
Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaanna xaaladaha amni ee Galmudug iyo sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaallanka argagaxisada iyo suggidda Amniga.
Ciidamada AMISOM ayaa ku sugan intooda badan gobollada Koonfurta Soomaaliya, waxayna dowladda dhexe ka caawiyaan la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa fariisin ka sameystay magaalada Muqdisho, isagoo ku sugnaa muddo 45 cisho ah ayuu safar gaaban oo qaatay saddex maalin ku tagay magaalada Dhuusamareeb, waxa uuna dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, halkaasoo uu weli ku sugan yahay!
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.