Qoorqoor oo lagu eedeeyay xil gudasho la’aan

Halkii Qoorqoor, uu ka shaqayn lahaa u adeegidda danaha reer Galmudug wuxuu ka door biday ka mid noqoshada kooxaha ololaha mid ka mid ah musharixiinta Guddoomiyaasha Golaha Shacabka, asagoo ku bixinaya dhaqaalihii laga soo ururshay Galmudug.

Warar Keydmedia Online
Qoorqoor oo lagu eedeeyay xil gudasho la’aan

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Badbaadada Galmudug, oo ah madal u taagan dardargelinta howlaha ka tashiga aayaha maamulkaas, ayaa walwal ka muujisay culeyska Kooxda Al-Shabaab saartay degaannada iyo ka hor tag la’aanta maamulka uu hoggaamiyo Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor].

Kadib markii Al-Shabaab fariisimo ka sameysteen magaalada Matabaan, oo maamul ahaan hoos tagta Hirshabeelle, hayeeshee Galmudug gacanta ku heyso,  ayay madashu la-yaab ku tilmaantay la’aanta abaabul ciidan iyo mid bulsho, si dib loogu soo celiyo degaannada Kooxda gacantooda galay.

Qoorqoor, ayay madashu ku eedeysay inuu dayacay amaanadii iyo shaqadii ay dadka reer Galmudug ku aamineen una igmadeen, isagoo ka dhigtey maamulka boorso gacanta ugu jirta, isla markaana fadhiid ama howlgab ka dhigay hey'adihii fulinta iyo kuwii la xisaabtami lahaaba.

Madashu, waxa ay ayaan darro ku tilmaantay, halkii Qoorqoor, uu ka shaqayn lahaa u adeegidda danaha reer Galmudug uu ka doorbiday ka mid noqoshada kooxaha ololaha mid ka mid ah musharixiinta Guddoomiyaasha Golaha Shacabka, asagoo ku bixinaya dhaqaalihii laga soo ururshay Galmudug.

Haddaba Madasha Badbaadada Galmudug, ayaa soo saartay baaq Saddex qodob ka kooban, kaasoo ku aaddan in la ceymiyo maamlka inta uusan dhamaantiis gacabta ka bixin;

1. In Xildhibaanada Barlamaanka Galmudug aysan indhaha ka qarsan dayaca iyo fashilka hoggaanka oo ay gutaan waajibkooda dastuuriga ah ee la xisaabtanka madaxda fulinta maamulka.

2. In dadka Reer Galmudug ay u istaagaan abaabullada ay isaga difaacayaan kooxaha argagixisada ee deegaanadooda iyo caqiidadooda duullaanka ku ah, aysanna sugin inta ay deegaan deegaan ay u qabsadaan dhulka Galmudug.

3. In odayaasha dhaqanka iyo cuqaasha reer Galmudug u istaagaan daminta colaadaha ka soo cusboonaaday Xuduudaha isla markaana wadahadal lagu xalliyo, lana dhowro derisnmimada iyo walaaltinimada.

Madashu waxay Murashixiinta kala duwan ee u tartamaya xilalka Guddoonka Labada Aqal iyo murashixiinta Madaxtinimada dalka ka raalli gelinaysay, iyadoo ku hadlaysa magaca reer Galmudug faragelinta iyo falfal-xumada Axmed Qoorqoor kula dhex meeraysanayo magaalada Muqdisho ee uu ku garab-siinayo musharixin gaar ah asagoo guri olole ka furtay magaalada Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.