KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor, oo safarro laga baaqsan karay ku jiray tan iyo markii la doortay ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka.
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho kadib safar uu ugu maqanaa dalka dibadiisa.
Qoorqoor, bilihii la soo dhaafay wuxuu inta badan dibad joog ka ahaa degaannada uu madaxda u yahay, wuxuna u dhaxeeyay Caasimadda dalka iyo waddanka Turkiga, sida ay Keydmedia Online, hore u baahisay, wuxuu si kumeel gaar ah Madaxtooyadii GM ugu soo raray Muqdisho.
Qoorqoor, wuxuu fadhiid ka dhigay Baarlamaankii Galmudug oo intooda badan ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo qeyb ka mid ah ay saldhig ka dhigteen Madaxtooyada Soomaaliya.
Qoorqoor maamulkiisa waxaa looga fadhiyaa qabashada doorasho 45 xildhibaan oo doorasho degaankeedu tahay Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.
37-xildhibaan oo golaha shacabka laguna kala dooranayo 11-Gaalkacyo, 26-Dhuusamareeb oo ay u codaynayaan 101x37=3,737.
8-Aqalka sare ee sanetka oo ay u codaynayaan golaha wakiilada Galmudug.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.