Qoorqoor wuxuu wali qaabilayaa eedeysane Fahad Yaasiin

Qoorqoor, wuxuu wajahayaa cadaadiskii ugu xoogganaa, kaas oo uu kala kulmayo, dadka iyo degaannada uu matalo, hayeeshee, wuxuu u muuqdaa nin waaqicaas jira doonaya inuu isku hilmaansiiyo kabo u qaadidda Farmaajo oo gabbalkiisi dhacay 7 bil ka hor.

Warar Keydmedia Online
Qoorqoor wuxuu wali qaabilayaa eedeysane Fahad Yaasiin

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ah dallaalka ugu weyn siyaasadda Soomaaliya xilligaan, ayaa hoyga uu ka degan yahay Caasimadda xalay ku qaabilay, Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, eedeysane Fahad Yaasiin, kaas oo loo heysto kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Fahad, oo markii labaad dibadda uga soo baxay Madaxtooyada tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay dalka, ayay wehliyeen, edeegayaashiisa Wasiiru Dowlaha Gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere, iyo Wasiirka Boostada Galmudug Aadan Qoryooley, kuwaas oo Kooxda Farmaajo u gorgortama xilliyada wadahadallada.

Axmed Qoorqoor, ayaa la rumeysan yahay inuu yahay shaqsiga gabbaadka u ah Fahad iyo Farmaajo xilligaan, wuxuuna ka biya diiday inuu caddeeyo mowqifkiisa, isagoo albaabada ka soo xirtay odayaal dhaqan oo doonayay in ay arrimo masiiri ah kala hadlaan.

Fahad Yaasiin, Qoorqqor, kalama hadlayo arrimo doorasho, amni iyo horumar toona, kulanka xalay ka dhacay agagaarka garoonka diyaarahada, wuxuu ahaa mid hoggaamiyaha Galmudug, lagu wargalinayay go’aanadda ay Madaxtooyadu ku gaartay carqaladeynta doorashada.

Sidoo kale, waxa yaabaha kulanka xalay laga diiwaan galiyay waxaa ka mid ah, in Fahad ay wali ilaalinayaan ciidamada loo yaqaan Waran ee ka tirsan NISA, kuwaas oo ilaaliya Xarunta hay’adda Nabad-sugidda, taas oo muujineysa inuu wali saameyn xooggan ku dhex leeyhay hay’adii laga raacdeeyay.

Qoorqoor, wuxuu xaafiiskii Madaxweynaha Galmudug u soo raray Muqdisho, wuxuuna danahiisa gaarka ah iyo dullaalnimadiisa u jooggaa Caasimadda, u jeedkiisuna, waa in Fahad iyo Farmaajo, oo waddo sharcidarro ah ku taagan uu garab istaago, isla-markaana uu qeyb ka noqdo kooxda doonaysa in ay daboosho kiiska Ikraan.

Qoorqoor, wuxuu wajahayaa cadaadiskii ugu xoogganaa, kaas oo uu kala kulmayo, dadka iyo degaannada uu matalo, hayeeshee, wuxuu u muuqdaa nin waaqicaas jira doonaya inuu isku hilmaansiiyo kabo u qaadidda Farmaajo oo gabbalkiisi dhacay 7 bil ka hor.

Waa Madaxweynaha Maamul goboleed ee waqtiga ugu badan ku qaata Muqdisho, xitaa marka la barbar dhigo Cali Guud-laawe, oo 90 KM u jira Caasimadda, Qoorqoor, wuxuu indhaha iyo dhagaha ka fureystay xasaradaha siyaasadeed ee ka taagan Galmudug, oo ay ugu weyn yihin, dib u soo laabashada Ahlu-sunna iyo dagaallada sokeeye ee ka holcaya labada gobol.  

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.