KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay kala shaqeynayso Maamul Goboleedyada suggida aminga xilliga Doorashadda, oo la filayo inay ka dhacdo 11 goobood.
MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadoo laga amba-qaadayo go’aanadii ka soo baxay shirarkii Dhuusamareeb iyo midkii ka danbeeyey ee Muqdisho, oo 17kii September 2020 lagu gaarey heshiis qeexaya qaabka doorashooyinka, ergooyinka, deegaan doorashada, qoondada haweenka iyo in ay doorashooyinku ay ku dhacaan waqtigooda.
Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in in Xukuumadda ay dardar-gelinayso dadaallada dhammaystirka dib-u-eegista Qorshaha Amniga ee xilligan muhiimka ah, oo dalka taagan yahay wado isgoys ah, oo waqtiga dawladdii hore sii dhamaanayo, mid cusubna la dhisin.
Markii la magacaabey, Rooble ayaa sameey balan-qaadyo illaa 8 gaaraya, oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorashooyinka, adkeynta amniga, horumarinta caddaaaladda, dowlad-wanaagga, kordhinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.
Qorshaha amniga ma ahan mid la degsan, oo madaxda dalka ay si fiican uga shaqeeyeen, marka laga reebo inay taliyeyaal ay ku kulmeen Muqdisho oo shirar Beesha caalamka u qabatay uga wada hadleen sidii looga wada-shaqeyn lahaa xasiloonida.
Ciidamada AMISOM ayaa loo xil-saarey amaanka, iyadoo kuwa Soomaalida ah ay caawin doonaan, taasoo la filayo inay tahay qorsho Al-Shabaab ka joojin kara inay weeraro fuliso xiliga doorashooyinka, oo billaabanaya December 2020.
Xukuumadda Rooble oo haysata mudo-xileed 3 bilood ah ayaan la ogeyn inay ku guuleysan doonto qorshooyinka ay soo bandhigtay iyo howlaha ay shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan inay ku qabato waqtiga harey.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.