Qorshaha Dib u dhiska Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyed oo bilowday

Muqdisho (KON) - Gudoomiyaha Jaamacada Ummada Soomaaliyed Dr. Maxamed Axmed Jimcaale ayaa sheegay in Jaamacada Ummada dhawaan dib loo Hawl-galinayo.
Warar Keydmedia Online

Dr. Jimcaale oo Wareysi siiyay Idaacada VOA Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in Qorshaha dib loogu Howlgalin lahaa Jaamacada uu socdo.

"Ayadoo lagu xisaabtamaya Baahida markaan jirta, waxaan ku dadaaleynaa in aan soo celino Jaamacada" Ayuuu yiri Dr. Maxamed Axmed Jimcaale.

Wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada Dowllada Federaalka oo dhawaan bilowday Mashruuca "Aada Dugsiyada" ayaa ayaantaan ku Mashquulsaneyd sidii ay Dib usoo Nololeyn laheyd Jaamacadaha Dowladda ay Maamuleysey.

Gudoomiyaha Jaamacada Dr. Maxamed Axmed Jimcaale ayaa sheegay in Qorshahaan la bilaabay, hadana la raadinayo sidii loo maalgalin lahaa.

Dhismaha Jaamacada oo burburay ayaa hada Hooy u ah Dad Barakacayaal ah, qaar kamid ahnah Jaamacada wuxuu hada Saldhig u yahay Ciidamada AMISOM.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.