KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Warar laga helay dad xog-ogaal ah kana gaabsaday in Magacooda la muujiyo ayaa sheegaya in R/wasaare Farmaajo kolka la ansixiyo kadib uu soo xuli doono wasiiro kooban oo waxtar leh isaga oo kaashanaya Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed.
Xubna ka tirsan wasiiradii hore isla markaana dadka reer Muqdisho ay u yaqaanaan kama dhamaadayaasha xukuumad walba ayaa niyad jab quus ah ka muujiyay in kol danbe ay ka soo dhex muuqdaan xukuumad sabab la xiriirta wax qabad la’aantooda iyo siyaasadooda ku dhisan laba wajileynta.
Wasiiraadaasi qaarkood ayaa dadaal xoogan waxa ay ugu jiraan sida wararka ay sheegayaan in dhanka gudoomiyaha Baarlamaanka ay ka soo dhameestaan kamid noqashada xukuumadda cusub iyadoona ay suurta gal tahay in xittaa balan qaad dhaqaale ay u sameeyeen gudoomiye Shariif xasan Shiikh Aadan.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.