KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Safarka R/wasaaraha oo aan la shaacin wax uu salka ku haayo ayaa la sheegayaa in ay ku wahiliyaan Wasiirka Cadaalada iyo garsoorka Cabulahi Abyan Nuur iyo Marwada R/wasaaraha Soomalia Casho Xaji Cilimi oo ah mudane Ka tirsan Barlamanlamaanka Soomaaliya.
Ila ku dhaw Xafiiska R/wasaare Saacid oo Keydmedia la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in safarka R/wasaare Saacid uu noqon doono mid qaada Maalmo kooban, waxaana uu sidoo kale uu tagi doonaa Magaalada Ankara ee dalka Turkiga oo uu kulamo ku la qaadan Doono Wafdi kasocda maamulka Soomaaliland.
Safarka R/wasaare Saacid uu ku aadayo qaar Ka mid ah dalalka Yurup ayaa ah kii ugu horeeyay oo uu ku tago Yurup tan iyo markii la magacaaba waxaana lagu wadaa in halkaasi uu kaga qayb galo shir looga hadlayo xaquuqul Insaanka.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.