R/wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay Dilka Wariye C/xareed

Muqdisho (KON) Raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ka hadlay dilka wariye C/xareed Cusmaan Adan oo ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Warar Keydmedia Online

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa tasci u diray dhamaanba suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo waliba eheladii uu ka geeriyooday wariye Cabdi Xareed Cusmaan.

Sidoo kale Raysal wasaaraha ayaa sheegay in uu rabay in uu ka qaybgalo aaska wariyaasha laakiin ay u suurta galiwaysay wuxuuna sheegay in muragada la wadaagayo ehelka wariyaha iyo waliba suxufiyiinta.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in ay haatan baaritaano socdaan isla markaana la doonayo in la soo cadeeyo arintaan.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.