KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaana ka qeyb galay 391 xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka ee kulankaasi soo xaadiray.
297 xildhibaan oo ka mid ahaa 391 xildhibaan oo maanta ka qayb galay fadhiga baarlamaanka ayaa codka kalsoonida siiyey Ra’iisul wasaaraha cusub, halka 92 xildhibaan ay diideen, labana ay ka aamuseen.
Xildhibaanada 92-da ah ee kalsoonida u diiday R/wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa Max’ed Ibraahim Xaabsade , Madoobe Nuunow Max’ed, Fowsiya Max’ed Shiikh, oo tirsanaa Xukuumadii dhacday isla markaana ka soo jeeda beelaha daga Bay iyo Bakool.
Sidoo kale xildhibaanada diidanaa R/wasaaraha waxaa ka mid ahaa Maclin Jiis iyo Xildhibaan Waqaa iyo kuwa kale oo badan.
Kadib markii uu gudoomiye Shariif Xasan ku dhawaaqay in codka kalsoonida uu helay R/wasaare Farmaajo oo kulanka ka maqnaa ayaa waxaa bilowaday saxmad iyo Buuq aad u daran waxaana la arkayay xildhibaanada qaarkood oo kor u firdhinaya Biyo isla markaana buuqaya.
Macalin Jiis iyo xildhibaano kale oo ka mid ahaa 92-da codka kalsoonida diiday ayaa ku sheekeynayay in ay mowshin kale abaabuli doonaan kolka xukuumadda la soo dhiso iyagoona ku goodinayay in tirada ay heystaan iminka ay ku dhawdahay boqol isla markaana ay raja wanaagsan ka qabaan xildhibaano kale ay ku soo biiraan.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.